Xaaladda Guriceel.

Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ayaa la wareegay Saldhiga Degmadda Guriceel kadib markii ay isaga baxeen Ciidan Booliis ah oo katirsan Dowladda Somaliya.

Daqiiqadi kadib waxaa dib usoo weeraray Saldhigga Ciidamadda Dowladda ee ku sugan Guriceel waxaan hadda Rasaas xooggan ay ka socotaa Saldhigga.

Dhawaqa Rasaas labadda dhinac is weedaarsanayaan ayaa laga maqlayaa Xaafaddaha magaaladda, waxaa jirta Rasaas wiifto oo ku dhaceysa goobo ka fog halka dirirtu ka socoto.