Ciidamadda Dowladda Somaliya ayaa Dagaal ka qaatay muddo 48 saac ka dib waxa ay la wareegeen Xeradda Inji oo ah halka ay daganaayeen Hugaanka Ahlusunna.
Ciidamadda ayaa gudaha ugalay xarunta kadib dagaal culus oo goobta ka dhacay, waxaana burbur xooggan laga arkayaa Dhismaha Xarunta Inji oo aad u saameeyay Dagaalku.
Dhamaan huggaankii Ahlusunna ayaa isku dbiibtay Saraakiisha Ciidamadda Dowladda lamsna xaqiijin halka si rasmi ah loogu hayo.
Inta la ogyahay waxaa Dagaalkan ku dhintay inka badan 20 ruux waxaana mu dhaawacmay 35 ruux oo kale waxaana jira kara in qasaaruhu intaa kasii badanyahay.
Sidoo kale Dagaaladdani ayaa waxa ay saameyn baaxad weyn ku yeesheen Shacabka, waxaana dad badan ka barakaceen Guryahooda oo ku dhow halka lagu dagaalamay.
Kala soco Radio Galgaduud wixii xog dheeri ah oo ku saabsan Xaaladda Dhusomareeb.
Â
