Macalin Maxamuud Oo Sheegay in uu katanaasulay Siyaasadii Galmudug

Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud oo saakay isku dhiibay Ciidanka dowladda  ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb.

Macalin Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay ka tanaasuleen Go’aankii siyaasadeed ee Galmudug, isla markaana ay la shaqeyn doonaan dowladda Federaalka iyo maamuka Galmudug.

Isaga oo sii hadlaayay Macalinka ayaa waxaa uu tilmaamay inay u taagan yihiin doorkii ay ku lahaayeen dhanka diinta iyo Caqiidada Ahlusunna Waljamaaca, isla markaan arrintaas ay u sii taagnaan doonaan.

Dhinaca kale  Sheekh Maxamed Shaakir oo ahaa Madaxii Xukuumadda Galmudug ayaa shaagay inuu Mas’uuliyada amnigooda iyo tan Dhuusamareeb uu ku wareejiyay Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, isla markaana ay la shaqeyn doonaan maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.