Hugaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xassan ayaa lafialyaa in uu safar ugu baxo Dalka Saudi Arabia oo uu ka heysto daganaansho , macalinka ayaa tan iyo shalay qorshahaan damacsanaa walow xujada hortaaley aheyd in uu la kulmo Madaxweyne QoorQoor taasoo ugu dambeyn xalay suurta gashey .
Macalin Maxamuud ayaa wali jooga Dhuusamareeb isagoo fasax rasmi ah ka helay Dowlada Faderaalka iyo Madaxda Galmudug oo awal la tuhunsanaa in ay Ku Hayeen culees lagu hor istaagayay Xoriyadiisa dhanka safarka .
Wararka sheegaya in uu gaalkacyo gaarey ayaa soo yeeray Saacad kohor walow saraakiisha amnigiisa gacanta Ku heyda ay xaqiijiyeen in uusan wali safrin macalinka , dhanka kale Madaxda Kale ee Ahlusunna ayaa Dhuusamareeb sii joogaya.
W/Q: Abdullahi Warsame Rooble oo ka tirsan Radio Galgaduud.