Wararka laga helayo Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka bilaawdey Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya dhawaan geysay degmadaas & kuwa Daraawiishta Jubbaland ee ka amarqaata Wasiirka Amniga Maamulkaas.
Qof kamid ah dadka ku nool Degmada Beled-Xaawo ayaa Warbaahinta u sheegay in saakay Waaberigii hore dhowr Xabadood ay Gudaha degmada Beled-Xaawo kusoo tuureen Cidamada Jubbaland oo ku sugan duleedka Beled-Xaawo ee dhinaca Xaduudka ka xiga Magaalada Mandheera gaar ahaan Xerada lagu Magacabo Bp1.
Duhurnimadii Maanta ayaa goobjoogayaasha waxaa ay sheegeen in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dhankooda bilaabeen inay u jawaabaan,iyada oo gudaha Degmada Beled-Xaawo iyo Magalada Mandheera laga maqlayo dhawaqa rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac.
Wararka qaar ee Madax banaan oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugan dhinaca Xaduudka ee Magaalada Mandheera ay mararka qaar hub cul culus kusoo ridayaan Magaalada Beled-Xaawo,waxaana wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka maadama uu weli socdo.