Madaxweynaha Galmudug oo Saxiixay Miisaaniyadda Maamulka ee 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa saxiixay Miisaaniyadda Maamulka Galmudug ee Sanadkan 2020, waxa goobta ku sugnaa Guddoonka Barlamaanka iyo Xillibaanadda Galmudug oo casho sharaf u sameeyay Madaxweynuhu.

Miisaaniyadda Galmudug ee Sanadkan ayaa ah 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).

Gollayaasha Waaiiradda iyo Barlamaanka Galmudug ayaa horey usoo meel mariyay Miisaaniyaddani oo ah tii ugu badneed oo Galmudug yeelato.