Ciidamo katirsan Booliiska Haramcad ee Dowladda Turkigu tababartay ayaa kasoo dagay Garoonka Diyaaraddaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Galmudug Dhusomareeb..
Ciidamadan ayaa ka qeyb qaadan doonna Sugidda Amniga Degaanadda Galmudug, waxaa Saraakiisha huggaamineysa ku jira xubno horey uga tirsanaa Ciidamadii Ahlusunna ee la qarameeyay kadibna la tababaray.
Dhanka kale waxaa isla maanta laga qaaday Magaaladda Dhusomareeb Ciidamo kale oo ah Booliiska Haramcad kuwaa oo loo daabulay Magaaladda Muqdisho oo horey looga keenay.
Ciidamadda laga qaaday Dhusomareeb ayaa u badnaa kuwa qeyb ka ahaa Dagaalkii Ciidamadda Dowladda la galeen kuwa Ahlusunna ee ka dhacay Dhusomareeb.
