Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid ayaa kormeer ku tagay Saldhigga Booliiska ee Degmada Dhuusamareb.
Mudane Ciid ayaa warbixin ku saabsan baahiyaha ciidanka Booliiska ee caasimadda ka dhageystay taliyaha Booliiska Saldhigga Degmada Dhusamareb.
Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenku waxuu booqday Xabsiga dhexe ee Saldhiga Dhuusamareb halkaas oo aay ku jiraan maxaabiis danbiyo kala duwan ku eedeysan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa balan qaaday in aay dib dhis ku sameyn donaan sidoo kale Gadiid uu leeyahay Saldhiga Booliska Dhuusomareb la keeni doono.
