Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyadda ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano iyo Saraakiil Madaxtooyo.
Gaas ayaa hadda kulamo kula leh Magaalada Garowe Madaxda ugu sareysa maamulka Puntland ee ugu horeeyo Madaxweyne Maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni.