Axmed Madoobe Oo dalacsiiyay Saraakiil Ciidan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Degmada Afmadow Gaashanle Mahad Islaam u dalacsiiyay darajada Gaashanle dhexe.

Madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay u hayaan shacabka iyo nabadgalyada ay deegaankaas kusoo dabaaleen.

War kÄ·asoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Gaashanle dhexe Mahad Islaam uu iska diidey afganbi la doonayay in lagu minjo xaabiyo nabadgalyada Degmada Afmadow taas oo Dowlada Federaalka ah ay la damacsan tahay meelo badan oo dalka kamid ah.