Ciidanka Amaanka Bosaaso Oo howgalo Kawada Magaladaasi

Saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Ammaanka Mamaulka Puntland waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso,howlgalladaas oo amniga lagu xaqiijinayey.

Saraakiisha Ciidamada PSF oo howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegen in howlgalkaas ay ku baadi goobayeen Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab & Kooxda Daacish oo lagu tuhmayo inay ku sugan yihin Gudaha Magaalada Boosaaso.

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay labadii habeen ee la soo dhaafay ka wadeen gudaha magaalada Bosaso hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga,hawlgalladaas oo weli socda lagagana hortagayo falal argagixiso oo ay kooxaha cadowga ahi ku doonayaan in ay ku beegsadaan xarumaha dowladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto ayaa lagu yiri”War kasoo baxay Ciidamada PSF.

Sidoo kale Warka Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihin Al-Shabaab iyo Daacish oo mararka qaar weeraro iyo dilal ka fuliya Boosaaso.

Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen Shacabka ku nool Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari inay la Shaqeeyaan Ciidamada,iyaga oo soo bandhigey lambarkan 388 oo ay sheegeen inay Shacbaka Ciidamada kala soo xiriiri karaan hadii ay arkaan dad lidi ku ah Amniga.

Magaalada Boosaaso iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa waxaa mararka qaar ka dhacay weeraro iyo dilal ay inta badan mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya,waxaana Saraakiisha Ciidamada Puntland ay sheegaan inay ka hortegi doonaan.