Wasiir Katirsan Dowlada Somaaliya Oo Fariin Udiray Madaxweyne Dani

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan oo ka hadlaayay Shirka wadatashiga Puntland eeĀ  ka socda Garoowe ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka dowladda Federaalka iyo dowla Goboleedyada dalka ka jira.

Wasiir Cabdullahi Bidhaan ayaa marka hore sheegay in loo baahan yahay in xal laga gaaro Khilaafka siyaasadeed ee haatan ka dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Kalluumeysiga dowladda ayuu Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ka codsaday inuu markale golol u fidhiyo Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada, isagoona ugu baaqay Madaxweyne Deni inuu u soo raaco Magaalada Muqdisho.

ā€œKhilaafkii meesha wuu ka bixi doonaa, waxaan ku haweynahay in shirkani uu dal dalooladii meesha ka saaro oo arrimahaasi ay soo baxaan, waxaana Madaxweyne Deni ka Codsanayaan in Madaxda dowladda uu Casuumoā€ ayuu yiri Wasir Cabdullaahi Bidhaan

Ugu dambeyntii Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay War-murtiyeedka laga soo saari doono Shirka Wadatashiga Puntland oo ay ka qeyb galayaan Wafdi isugu jira Wasiiro iyo XildhibaanoĀ  ka socda dowladda, kuwaasi oo kasoo jeeda deegaanada Puntland.