Waxaa sare u kacay tirada dadka u dhintay cudurka Corona gudaha waddanka Spain oo ay waxay gaartay 1,002 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.
Ku dhawaad 20,000 qof ayuu ku dhacay cudurka gudaha Spain halka 1,588 ay ka bogsadeen cudurka.
Sidoo kale Koonfur Afrika waxay xaqiijisay in haatan 205 qof uu ku dhacay cudurka Corona.
Khamiistii waxay kiisaska laga xaqiijiyay dalkaas ay gaarayeen 55.
Wasiiraka caafimaadka Zweli Mkhize ayaa sheegay inuu filayay in kiisaska ay sare u kacaan isla markaana ku qiyaasay in boqolkiiba 60 shacabka dalkaas ay halis ugu jiraan inuu ku dhaco cudurka Corona.