Axmed Madoobe Oo gaaray Dhoobley

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo mudo Safar shaqo ku joogay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley.

Waxaa Madaxweynaha Safarka uu ku tagay Degmada Afmadow ku wehelinayay Sarakiil Ciidan iyo qaar kamid ah labada gole ee Dowlada.

Inta uu Madaxweynahu ku sugnaa Degmada Afmadow waxaa isbadal la taaban karo lagu sameeyay howlaha ay Xukuumada halkaas ka wado iyadoo Madaxweynahu uu halkaas inta uu joogay la kulmay Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Aagaas ka howlgala iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.