Taliyihii Boliiska Afgooye Oo qarax lagu dilay

Taliyihii Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose Marxuum Abdikadir Nuurow ayaa ku dhintay qarax miino.

  1. Qaraxa ayaa  lagula eegtay degaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Dagmada Afgooye.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa xaqiijiyay geerida taliyaha, waxaana uu sheegay in laamaha Ammaanka ay waddaan baaritaano.

“Alle ha u naxariisto Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Captan Cabdiqaadir Cismaan Nuunow iyo Mujaahidiinti la socotay ee galabta ku shahiiday qarax argagixisada ay la eegteyn gaari ay saarnaayeen, janada fardowso allaha ka waraabiyo Aamin Aamin” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta badan Saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ayaa Qaraxyo Miino ah Al-Shabaab kula eegtaan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaa wadada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.