Dani Oo Magacaabis Sameeyay

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.18, March 30, 2020 kuna saabsan wareejin Sarkaal iyo u magacaabid Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu tixgeliyey: Dar-dar gelinta Arrimaha Amniga Gobolka Bari.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/Dhexe Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Qaal laga soo wareejiyay Ciidanka Daraawiishta loona wareejiyey Ciidanka Booliska Puntland, isla markaana waxaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.