Gudoomiyihii G/hiiran Oo Sharci darro Kutilmaamay Xil kaqaadis lagu Sameeyay

Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale ee xilka qaadista lagu sameeyey ayaa kasoo horjeestaay xilka qaadistaas,isaga oo sheegay inay tahay mid Sharci darro ah,isla markaana Madaxweyne Waare uusan xilka ka qaadi karin.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan xalay loogu Magacaabey markii Saddexaad Cali Jeyte Cismaan.

Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali muxumed Carraale oo shir Jaraa’id ku qabtey Beledweyne ayaa sheegay in xilka qaadista lagu sameyey ay tahay mid Sharci daro ah,isla markaana isaga uu yahay Guddoomiyaha Gobolka hiiran