Hadal jeedinta Musharixiinta Gudoonka Baarlamanka Oo ka bilabaneysa Beydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta la filayaa inay kulan ku yeeshaan Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed,iyada oo ay hortagayaan musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka.

Musharixiinta oo gaaraya Shan ayaa u taagan qabashada guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen,waxaana la filayaa in Maanta ay jeedinayaan khudbadahooda musharaxnimo si uu u soo bandhigo qof walba waxa uu qaban doono hadii uu guuleysto.

Musharixiinta Maanta Khudbadahooda jeedinaya ayaa waxaa ay magacyadooda kala yihiin.

1: Xildhibaan Cali Saciid Fiqi u tartamida Guddoomiyaha Baarlamaanka

2: Xildhibaan Maxamed cabdiraxmaan Nuur u tartamida Guddoomiyaha Baarlamaanka.

1: Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed u tartamida guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

2: Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed u tartamida guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

1: Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow u tartamida guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Maalinta Berito ah oo ku beegan 1-da Bisha Apriil ayaa la filayaa in ay Magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen.