Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmer Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo kuxigeenkiisa ayaa Duleedka Godinlabe waxaa ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha hadda taladda haya ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa is gacanqaaday kadib markii la xaliyay Madaxweyne Xaaf oo cabasho uga qabay Doorashadii ka dhacday Dhusomareeb ee lagu doortay Madaxweyne Qoorqoor.
Soo dhaweynta Xaaf ee duleedka deegaanka Godinlabe ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ka ah Xildhibaano uu kamid yahay Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo madax kale.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Galmudug Axmer Cabdi Kaariye (QoorQoor) ,Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Xubnaha kale inay safar dhinaca dhulka ah ku tagaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.