Dowlada Somaliya Oo guulo kashegatay Duqeyn kadhacday Shabeellaha Hoose

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa la sheegay inay Duqeyn xalay ka sameeyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War-Saxaafadeed kasoo baxey Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lala beegsadey Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab laguna diley 8 Xubnood.

Dowladda Soomaaliya ma shaacin magacyada Xubnaha ay shegtay in lagu diley duqenta laga fuliyey deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose,hayeeshee mararka qaar duqeymo laga fuliyey gobolada qaar ee dalka ayaa waxaa ay waxyeelo kasoo gaartaa dad Shacab ah.