Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ahan Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq nabadeed waxaa uu u direy malleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaano duleedka ka ah Magaalada Kismaayo iyo dgemada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
War-Saxaafadeed kasoo baxey Xafiiska Sheekh Shariif ayaa loogu baqay dhinacyada dagaalamaya inay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan labada maleeshiyo beeleed ee wada dagaalamaya.
“Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo.
Sidoo kale Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyo Odayaasha Dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa,isla markaana ay iyaga diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan oo ay gacan ka siiyaan nabadeynta dadka walaalaha ah.
Ugu dambeyntii Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay Sheekh Shariif in ay qayb ka noqdaan dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha soo noqnoqdey ee aafeeyey dalkeenna.