Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa Maanta ka degtay diyaarad sida agab kala duwan oo loogu talo galay Cudurka coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.
Diyaaradaan oo ka timid wadanka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay waday Dawo iyo qalab Caafimaad oo ay ugu deeqeen Puntland,kuwaas oo isugu jira kuwo looga hortagayo Cudurka Coronavirus iyo kuwo lagula tacaalayo.
Wasiirada Caafimaadka Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa uga mahad celiyay dawladda Imaaraadka gargaarkan ay soo gaarsiiyeen,isla markaana sidii loogu talo galay ay i isticmaali doonaan.
Saakay ayay aheyd markii Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ay ka degtay diyaarad siday Agab Caafmaad oo ka timid Imaaraadka carabta,kuwaas oo loogu talo galay in looga hortago Cudurka Coronavirus.