Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay Saameynta cudurka Covid 19.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu iskarantiilay laakiin uusan heyn wax cudur ah.
Wuxuuna bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Hirshabelle ugu baaqay in ay qaataan Talooyinka bahda caafimaadka.
Hay’adaha ammaanka Waxaa uu faray Dhaqan galinta Awaamiirta maamulka Hirshabelle ee ka hortaga Cudurkani, wuxuuna sidoo kale amar uu ka soo saaray jaadka lagu iibiyo Hirshabelle ka yimaada xuduuda Dalka Itoobiya.
Wasiir dowle ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa ka mid noqday dadkii ugu horreeyay ee Cudurka Corona Virus ugu dhintay Soomaaliya.
Waxaa uu xusay in ay dejiyeen Qorshayaal loogu tala galay sidii looga hortagi lahaa Cudurka Corona Virus.