Ahlusunna ayaa markale soo rogaal celisey,iyaga oo soo saarey qoraal ay ku shaaciyeen in uusan jirin heshiis dhex-marey Dowladda Federaalka,Maamulka Galmudug iyo hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca.
Qoraal dheer oo xalay Saqdii Dhexe kasoo baxey Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah Hoggaankii Ahlusunna ee dagaalka looga saarey Magaalada Dhuusamareeb,kaas oo rasmi ahaan aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay ayaa lagu shaaciyey in uusan jirin heshiis ay wada gaareen dhinacyada kor ku xusan.
Qoraalka Ahlusunna ayaa waxaa ugu muhiim sanaa laguna sheegey in uu jirey heshiis dhex-marey Galmudugtii hore iyo Maamulkii Gobolada Dhexe ee Ahlusunna 27 Bishii November ilaa 6 Bishii December ee sanadkii 2017,hayeeshee heshiiskaas ay bur burisey Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Warqada kasoo baxdey Sheekh Shaakir ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya lagu eedeeyey in deegaannada Galmudug ay ka aas aaseyso Al-Shabaab iyo Daacish,hayeeshee taasi aysan aqbaleyn.
Ugu dambeyn qoraalka Ahlusunna ayaa waxaa lagu sheegay inaysan qeyb ka aheyn waxa ka socda deegaannada Galmudug,waxaana Beesha Caalamka iyo Ummada Soomaaliyeed la ogeeysiiyey in howlaha ay dowladda ka wado deegaannada Galmudug dhibaatada ka dhalata ay qaadeyso dowladda Soomaaliya.
