Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Ciidamo uu watay ay sinabad ah kula wareegeen Xarunta Maamulka ee Magaalada Beledweyne.
Xarunta ayaa waxaa inteeda badan gacanta ku haayey Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale ee uu Madaxweyne Waare xilka ka qaadey,hayeeshee uu diiday xilka qaadistaas,waxaana la soo sheegayaa in Ciidamada Guddoomiyihii hore ee Gobolka iyo Saraakiisha ay u wareegeen dhinaca Guddoomiyaha Cusub.
Wariyeyaal ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay soo sheegayaan in xaalada haatan ay tahay mid degan,isla markaana Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee aan xilka wareejin Cali Muxumed Carraale uu ku sugan yahay qeyb kamid ah Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Beledweyne.
Saddex Todobaad ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu xilkii Guddoomiyenimo ka qaadey Cali Muxumed Carraale,hayeeshee uu diidey,xilligaas wixii ka dambeeyeyna uu sheegayay in uu isaga weli yahay Guddoomiyaha rasmiga ah ee Maamulka Gobolka Hiiraan.