Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), oo ka hadlay qorshaha xakameynta COVID-19 ayaa sheegay in dowladdu ay bedeshay qaabkii loo aasi jiray dadka u geeriyooda Cudurka COVID-19 Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay Gudsookiyaha in la diyaariyay kooxo gaar ah oo ka shaqeeya aasidda meydadka, taas oo qayb ka ah dadaalka loogu jiro horumarinta daryeelka bulshada.
Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad siineysa ka shaqeynta bed-qabka bulshada, ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta faafitaanka iyo saameynta cudurkaan dhibaatada badan ku haya caalamka.