Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta xaqiijisey kiis Cusub oo ah qof laga helay Cudurka Coronavirus oo horey Soomaaliland looga helay.
Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in najiida baaris lagu sameeyey qof looga shakisanaa Cudurka Coronavirus ay noqotay in qofkaasi laga helay Cudurka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka oo kamid ah Guddiga ka hortaga Cudurka COVID19 in qof horey looga helay Cudurka Coronavirus kadib baaritaan kale oo lagu sameeyey laga waayey oo uu ka caafimaadey.
Qofka Maanta laga helay Cudurka Coronavirus ee Soomaaliland ayaa waxaa uu noqonayaa qofkii Afaraad ee laga helay Cudurka Coronavirus Guud ahaan Soomaaliland.