Ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa howlgal gaar ahaa waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada fuligeen deegaannada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ee duleedka Kismaayo,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen in Xubnihii Al-Shabaan ay isaga baxeen deegaanadaas.
Taliyaha Ciidanka Danab ee Jubbaland ka howl gala Gaashaanle Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi ayaa sheegay in Ciidamada ay weli wataan gudashada waajibaadka saaran,isla markaana ay ku sugan yihiin deegaannnadii la wareegay.
Waxaa taliyaha uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in dadka Shacabka ee ku sugan deegaannada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ee duleedka Kismaayo ay ahaayeen kuwo qabey dhibaatooyin kala duwan,balse Ciidamada ay ka dul qaadeen sida uu hadalka u dhigay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaannada ay Ciidanka DANAB howlgalka ka fuliyeen ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu degan tahay isla markaana saraakiisha ay wadaan kulamo ay la qaadanayaan Odayaash iyo Bulshada deegaannadaas.