Wasiir Cadale Oo Magacabis Sameeyay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa wareegto uu soo saaraywaxaa  uu xilalkii uga qaaday mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan,isaga oo mas’uuliyiin Cusub Magacaabey.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiye kuxigeenka Siyaasadda iyo  Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Ibrahim Cabdulle,waxaana xilkaasi loo Magacaabay Abuukar Cabdullaahi Maadeey.

Sidoo kale Waxaa xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi Iidow,waxaana Xilkaasi loo magacaabay Muumin Maxamed Xalane.

Dhinaca kale Guddoomiye kuxigeenkii Siyaasadda iyo  Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Ibrahim Cabdulle ayaa kasoo horjeestay xilka qaadista lagu sameeyey,isaga oo sheegay in uu yahay Guddoomiye Kuxigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda  Sharciga ah ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyihii degmada Maxaas Cabdi Muumin Cilmi oo isna ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyey ayaa soo dhaweeyey,waxaana mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan uu ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan Xaflada xil wareejinta.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu Shaqa joojin ku sameeyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Shabeellaha Dhexe,hayeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed uu kasoo horjeestay,isaga oo qaba in xilligaan oo doorasho ay kusoo dhawdahay Hir-Shabeelle aysan dhici karin xilka qaadis iyo Magacaabis..