Dowlada Somaaliya oo War ka Soo Saartay rag Miino Ay Aasayeen ku qaraxday

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay qarax ay Aasayeen Xubno ka tirsan Shabaab,kaasi oo ayaga ku qarxay meel u dhow Isgoyska Sos degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay  in mid kamid ah raggii aasayay miinadaasi uu ku dhintay isla qaraxaasi,halka labo kalena la qabtay,kuwaasi oo dhawac uu ka soo gaaray falkii ay maleegayeen.

“Xeeladahan ay miinooyinka ku aasayaan jidadka ayay argagaxisadu u tahay ololahooda dagaal ee ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed  Maadaama awoodda ka sii daciifayso, oo aysan wajihi karin dagaal toos ah oo ay la galaan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu yiri”Warka Wasaaradda.

Sidoo kale Warka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Guuliihii looga saarey Al-Shabaab magaalooyinka muhiimka ah ee Jannaale, Mubaarak , Awdheegke iyo qaar kale ay gaarsiisay in ay falalka noocaan ah ku qariyaan wixii ay la kulmeen..

“Dowladda Federaalka Soomaaliya way cambaareynaysaa falalka noocan oo kale ah. Dowladda Federaalka Soomaliya waxa ay boogaadinaysaa askarta Soomaaliyeed ee had iyo jeeraale gaafwareega waddooyinkaa maalin walba,iyaga oo wajaha kkhataro ayaa lagu soo geba-gabeeyey”Qoraalka Wasaaradda.

Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin Warkaan kasoo yeeray Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ee ku aadan in Xubno ka tirsnaa Shabaab ay ku waxyeeloobeen Miino ay Aasayeen.