Somaliland oo kahor timid Baramish Ay horay udaah furtay Dowlada Somaaliya

Somaliland ayaa siweyn uga  ka hortimid Barnaamijka Baxnaano ee uu dhawaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya uu ka daahfuray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Barnaamijkaan oo ka ay siwadajir ah u soo diyaariyeen Wasaaradaha Qorsheynta iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loogu talo galay in lagu Caawiyo Qoysaska Danta yar ee ku nool Soomaaliya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland ayaa waxaa lagu wargeliyay QM,Midowga Afrika,Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka in Barnaamijkaas oo la sheegay in qeybo kamid ah Soomaaliland in laga celinaayo uu yahay faragelin dhibaato ku ah Amniga Soomaaliland.

Sidoo kale war-saxaafadeesk ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliland ay Dowladda Federaalka uga digeyso isku odayga lagu doonayo in lagu soo farageliyo Qaranimada iyo Madax babangida Soomaaliland.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeeska kasoo baxay Soomaaliland.