Shikh Shariif Oo dhaliilay Habka loo bedelay Bandowga Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay Go’aanka dowladda Soomaaliya ay isbedelka ugu sameysay Bandowga Habeenkii ee Muqdisho,kaas oo horay u jiray.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in markii hore Bandowga uu bilaabanayay 8:00 Fiidnimo,hayeeshee dadka ay sugayeen in la kordhiyo oo la gaarsiiyo 9:00 Fiidnimo balse dadka ay la kulmeen culeys kale oo ah in looga dhigay 7:00 fiidnimo taasina aysan macquul aheyn.

Sheekh Shariif waxaa uu sheegay inay jiraan dad duruufo kala duwan aysan u saamaxeen inay Guryahooda Afur ku karsadaan  Go’aanka dowladdana uu keenayo in dad badan ay Afur waayaan.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya inay arrintaasi dib u eegaan oo isbedel ay ku sameeyaan.