Guddiga ka hor tagga iyo u diyaar garowga Cudurka Coronavirus u qaabilsan Jubbaland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo waxaa ay soo saareen Go’aano la xiriira Cudurka COVID-19.
Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay soo saareen Awaamir Cusub oo lagu xakameynayo Cudurka,kuwaas oo kala ah.
1: In la mamnuucay in salaadda Taraawiixda Masaajidda lagu tukado.
2:In Waqtiga lagu jiro Salaadaha Faralka ah ee waajibka aan laga dheereyn 10 daqiiqo taas oo ku socota Imaamyada Masaajidda.
3: In aan la furin Musqulaha iyo qeybta weeysada ee Masaajidda qof walbana uu Gurigiisa kasoo weeyso qaato.
4:In Dadka ku nool Magaalada Kismaayo ay yareeyaan isku imaatinka badan si looga digtoonaado faafitaanka Cudurka Coronavirus.
Deegaannada Jubbaland ayaa waxaa dhawaan laga helay laba kiis oo Cudurka Coronavirus ah,hayeeshee warar soo baxayay ay sheegayeen in ay ka baxsadeen Goob lagu karanyiilayay.