Ciidamo ka tirsan Soomaaliland ayaa Maanta waxaa ay gacanta ku dhigeen Gaari siday jaad farabadan,iyaga oo fulinayay Amar kasoo baxay Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19.
Gaarigaan Jaadka siday ayaa Ciidamada Soomaaliland waxaa ay ka qabteen Gobolka ay Soomaaliland u taqaano Howd,iyaga oo keenay Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Gobolka ay Soomaaliland u taqaano Howd Yaasiin Shide ayaa sheegay in Gaarigaas uu jaadka ka keenay dhinaca Itoobiya,isla markaana,iyaga oo fulinaya Amarka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland ay Gaariga iyo Saddex qof oo la socotay ay ku wareejiyeen Guddiga kahortagga Cudurka Coronavirus.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dhinacooda uu kasoo galo jaad ka yimaado Iyoobiya,si loo xakameeyo faafitaanka Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliland.
Tallaabadaan ayaa waxaa ay daba socotay amar kasoo baxay Madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Seylici ahna Guddoomiyaha Guddiga kaas oo ku saabsanaa in muddo 25 maalmood ah la hakiyey keenista qaadka,isla markaana ciddii lagu arkaa tallaabo laga qaadi doono.