Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa uu xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse,isaga oo taliye Cusub Magacaabey.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Madaxweynaha Puntland ayaa isla Maanta waxaa xilalkii uu ka qaaday Taliye kuxigeenada 1aad iyo 3aad Ciidanka Booliska Puntland.