Madasha Xisbiyada Qaran waxaa ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay Shirweynihii ay isugu imaan lahaayeen Lixda Xisbi sababo la Xiriira Cudurka Covid19 oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa waxaa lagu sheegay in horaantii Bishii Maarso ee sanadkan ay ku heshiiyeen madasha oo ka kooban lix Xisbi inay noqdaan hal xisbi oo leh hal u ujeedo oo Siyaasadees,isla markaana ay Guddi u saareen ka gun gaarida arrinkaas soona geba-gabeeyeen Shaqadii loo diray Guddiga.
Waxaa ay sheegeen Madasha in sababo la xiriira Cudurka Coronavirus dib loo dhigay Shirweynihii ay isugu imaan lahaayeen,isla markaana waqtiyada kale ee ku haboon ay dib kasoo sheegi doonaan.
