Iyadoo Magaalada Balad Xaawo ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay derbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhanka balad Xaawo ayaa waxaa arintaas ka carooday qaar ka mid ah shacabka ku nool degmadaas.
Dadka ayaa sameeyay dibadbax ay uga soo horjeedeen darbiga dowlada Kenya dhismihiisa ay ka wado Magaalada Balad Xaawo,waxana banaanbaxa u diiday Maamulka degmada Balad Xaawo sida ay sheegeen qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay Warbaahinta.
Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ka mid ah Dadka ku nool Balad Xaawo ayaa sheegay in Maamulka degmada Balad Xaawo ay u diideen in shacabka degmadaas ay dibadbax ka dhigaan halkaas isagoo sheegay in maamulka ay shacabka u sheegeen in dowlada Kenya halka ay dhismaha kawado ay iyada leedahay dowladda iyo Maamulka jubnaand ay u fasaxeen sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale maamulka degmada Balad Xaawo oo aan la xariirnay si aan wax uga weydiino warka sheegaa y in ay shacabka u diideen in ay dibadbax ka dhigaan halka ay dowlada Kenya ka wado dhismaha derbiga ayaana inoo suurtagelin.
HOOS KADHEGEYSO MIDKAMIDA SHACABKA BELED XAAWO