Puntland Oo kahadashay dagaal ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Maamulka Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal geystay khasaaro dhimasho ah oo Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan ku dhexmaray deegaanka Teegare ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in Xerada Ciidamada Puntland ee deegaanka Teegare ay weerar kusoo qaadeen xalay Saqdii dhexe maleeshiyaad hubeysan oo Burcad ah,hayeeshee at  Ciidamada iska difaaceen.

Waxaa uu sheegay isaga oo la hadlayay Warbaahinta dagaal Xeradaasi lka dhacay ay ku dhinteen hal askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland iyo mid ka tirsan kooxdii soo weeraray.

Waxaa uu beeniyey wararka sheegayay in Ragga hubeysan ee Xerada Ciidan weeraray ay ka tirsanaayeen Galmudug,waxaana uh sheegay inay ahaayeen Kooxo Burcad ah oo isa soo abuubulay wax lug ahna ku laheyn Maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur waxaa uu sheegay in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana xeradii la weeraray la geeyey Ciidamo dheeraad ah oo xoojinaya kuwii horay ugu sugnaa.

Wararkii ugu dambeeyey naga soo gaaray deegaanka Teegare ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada deegaanka ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamada la  geeyey ay isku ballaariyeen Guud ahaan Xerada.