Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqdey natiijada baaris lagu sameeyey dad looga shakisanaa Cudurka Coronavirus,kuwaas oo qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in la baaray 11 qof oo isugu jira 6 rag ah iyo 5 dumar ah, xanuunkana laga helay 7 qof oo 5 ka mid ah rag yihiin, 2 da kalana haween yihiin, halka 4 qofna laga wayay.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in Dadka laga helay Cudurka Saddex kamid ah ay joogaan Degmada Waaciya ee Gobolka Karkaar halka 4 ruux oo kamid ah ay joogaan magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 30 ruux , uuna hal bukaan ah u geeriyooday xanuunka.
Kiisaskaan Cusub ee Cudurka Corona oo ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland kama mid ahan 51 Ruux oo shalay gelinkii dambe ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya,hayeeshee la filayo inay Maanta shaaciso.