Hawlgalkan ayaa saakay Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Degmada Awdheegle iyo deegaanka KM 50.
Ciidamada ayaa waxaa la sheegay inay howlgalka ku soo saareen kuna qarxiyeen Miinooyin ay Al-Shabaab ku Aaseen wadadaasi,waxaana howlgalkaas sigaar ah u fuliyey Ciidamo ka tirsan ururka 66-aad ee Guutada 14 octobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed.
Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14-octobar Gashaanle Axmed maslax Xuseen oo la hadlay idaacada Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay inay ku guuleysteen soo saarista iyo but burinta miinooyinkii ay Aaseen Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Taliyaha inay Ciidanka Xooga Dalka sii wadi doonaan howl-gallada la dhanka ah Al-Shabaab,kaas oo ay ka wadaan guud ahaan dalka waxaana uu sheegay in Gobolka shabeellah hoose howl-gallo ay ka sameeyeen ay kula wareegeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.