Taliyihii Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Puntland oo ku dhawaaqay is casiladiisa

Waxaa Maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland, Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf,

Qoraal uu la wadaagay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in uu ugu sheegay in uu xilkii iska casilay,balse uusan cadeyn sababaha keenay is casilaadiisa.

“Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland waxaan kudhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inan iskacasilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada Puntland” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

2-dii bishii Maarso ee sannadkii tegay ee 2019 ayaa Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf  xilka Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland loo magacaabay,waxaana uu xilkaasi hayay muddo Sanad iyo Afar Bilood ah.