Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Talaadada Maanta ah waxaa uu taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta si uu u muujiyo sida uu uga xun yahay ugana tacsiyeeyo geerida muwaadiniinta Kenyanka ahaa ee ku dhintay diyaarad laga diiwaan-galiyay Kenya ay ku soo dhacday degmada Bardaale ee Gobolka Baay May 4, 2020 oo shalay aheyd.
Sida uu qoray Citizen TV oo laga leeyahay dalka Kenya Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wargaliyay Madaxweyne Kenyatta in Hay’adaha Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya ay si dhaqso leh baaritaan ugu sameeyaan duruufaha ku xeeran sababta keentay inay diyaarada burburto.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya oo TV-ga Citizen uu baahiyey ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu casuumaad u fidiyay Hay’adda Duulista Rayidka Kenya ee (KCAA) si ay ula midoobaan dhiggooda Soomaaliya si loo soo gabagabeeyo baaritaanka.
Uhuru Kenyatta ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu tacsi u diray qoysaska labada shaqaala ee ku dhintay shilka diyaaradda, ”ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.
Sidoo kale Uhuru Kenyatta ayaa soo dhoweeyay casuumaadda Madaxweyne Farmaajo ee masuuliyiinta duullimaadyada rayidka ee Kenya si uu ugu biiraan baaritaanka shilka diyaaradda isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si dhakhso leh loo soo gabagabeeyo howsha.”
Diyaaradda Embraer 120 oo ay maamusho shirkadda Africa Express ayaa waxaa la sheegay inay hay’ad samafal ah u siday dawo iyo agab Caafimaad oo loogu talo galay magaalada Baydhabo iyo Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay,waxaana dhacdadaas ku dhintay lix Ruux oo isugu jira laba Soomaali ah iyo Afar Kenyan ah.
