Xafada Katirsan Beledweyne Oo barakac kabilawday

Wararka ay ka heleyso warbaahintu Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar kamid ah Shacabka Magaaladaas ay markaleĀ  bilaabeen inay barakacaan.

Xaafadaha laga barakacayo ayaa waxaa kamid ah laanta dhagax jibis iyo Xaafado kale ee Magaalada Beledweyne kadib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle ee mara Magaaladaasi Beledweyne.

Dad ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in meelaha qaar Wabiga uu aad u Biyo keenay,islaĀ  markaana ay jirto cabsi weyn oo la xiriirto in uu fataho halka Xaafadaha qaar uu ka fatahay.

Shalay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ay u dirtay Wafdi Wasiiro ah,kuwaas oo durba bilaabay qorsho looga hirtagayo in uu fatahaad baahsan geysto Wabiga.

Dadka barakacay ayaa aaday dhinaca deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne,waxaana laga soo sheegayaa in halkaasi xaalad bani’aadanimo ku heysato.