Diyaarad sida Gargaar Caafimaad ayaa ka degtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, taasi oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta.
Waa gargaarkii labaad oo dowladda Imaaraadka Carabta ay geyso boosaaso.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Gargaarka Caafimaad ugu deeqday dowlad Goboleedka Puntland, waxaana gargaarka ku jira qalab Caafimaad oo uu kamid yahay sheybaarka lagu baaro Cudurka halis ah ee Coronavirus.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxa ay sheegay in dowladda Imaaaraadka ay Puntland ugu deeqday sheybaarka lagu baaro dadka looga shakiyo Astaamaha Cudurka COVID-19.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Jamac Farax Xasan ayaa Imaaaraadka kala wareegay qalabkaas muhiimka ee loogu deeqady, isagoo ugu mahadceliyay dowladaas.