Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay Tuulooyin hoosyimaada magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle.
Waxaa ka mid ah degaanada uu Wabiga ku fatahay Kalluundi, Timire iyo Maangaay oo dhammaan ku teedsan jiinka Wabaiga Shabeelle.
Fatahaadda ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed baaxad weyn oo dalagyada nuucyadooda kala duwan ay ku yaalaan.
Yacquub Buule, wuxuu ka mid yahay Beer tacbatada ku nool Hareeraha Wabiga Shabeelle waxaa uu sheegay in 500 oo hectar oo ku taalla tuulada Kalluundi biyaha ay dhex ceegaagaan,kuwaas oo ku beeran dalagyo kala duwan.
Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in ay waddaan dadaallo looga hortagaayo in Wabiga uu kusii fataho degaano kale oo ka tirsan gobolka.