Dhaqaalaha Aqalka Mareykanka Oo amaro lagu Soo rogay

Shaqaalaha aqalka cad ee Mareykanka ayaa waxaa lagu amray in ay xirtaan qalabka sanka iyo afka lagu duubto ee Maaskaraatiga loo yaqaano marka ay soo galayaan qeybta loo yaqaano West Wing.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii labo ka mid ah saraakiisha Aqalka cad laga helay cudurka Corana.

Sargaalka u sareeya shaqaalaha Aqalka Cad ayaa sheegay in ay qasab tahay in shaqaalaha ay afka duubtaan xilli waliba marka laga reebo marka ay fadhiyaan kuraasta ay ku shaqeynayaan.

Amarkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii mid ka mid ah kaaliyayaasha madaxwayna ku xigeenka Mike Pence iyo sargaal aad ugu dhaw madaxwaynaha cudurka laga helay.

Mr Trump ayaa sheegay in xeerkan cusub loo baahnaa.

Saddex xubnood oo ka mid ah guddiga xakameynta Corona ayaa is karantiilay muddo labo toddobaad ah ka dib markii ay la macaamileen shaqsiyaad cudurka laga helay.

Waxaa dadka is-karantiilay ka mid ah Dr Anthony Fauci, oo isagu noqday wajiga dagaalka ay Mareykanka kula jiraan cudurka Covid-19.