Goobaha lagu karaantilo dadka oo la kordhinayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyey kulan hab mareegta Internet-ka ah ay ku yeesheen Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19,kaas oo looga hadlay qodobo dhowr ah.

Shirka oo habeen walba qabsooma ayaa waxaa xalay lagu soo bandhigay isbedelka iyo dib-u-habeynta lagu sameeyay isbitaal Martiini oo laga furay Xarun gaar ah oo lagu karantiilo dadka laga helo Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale Kulanka waxaa looga hadlay sida ay u socoto iyo heerka uu marayo diyaarinta Martiini 2, si loo ballaariyo adeegga caafimaad ee dalka maadaama Cudurka COVID-19 uu Soomalaiya kusii kordhayo.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa si maalinle ah waxaa ay u shaacisaa kiisaska Cusub ee Coronavirus ah oo laag helo Soomaaliya,waxaana ilaa iyo hadda ay diiwaangelisay Wasaaradda 1,219 oo kiis.