Qoor Qoor Oo golihiisa Wasiirada horgeynaya Baarlamanka Galmudug

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ayaa lagu wadaa in uu maanta horgeeyo Golihiisa Wasiirada Cusub Baarlamaanka si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Xildhibaannada ayaa yeelanaya kulan qeyb ka ah kalfadhiga 20-aad ee Golaha Barlamaanka Galmudug ayaa lagu wadaa inay Xildhibannada cod u qaadaana ama u diidaan ama u anisixyaan xukuumadda cusub ee uu dhawaan dhisay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor

Madaxweynahe Qoor Qoor ayaa khudbad ka horjeedin doona Golaha Wakiillada Galmudug taasi oo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid yihiin siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo midnimada Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, wasiirada Cusub, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Xubno kale ayaa goobjoog ka ahaan doona Kulanka maanta,iyada oo aad loo adkeeyay Amniga Magaalada Dhuusamareeb.