Gudiga kahor taga Caronavirus Ee Puntland oo go’aamo Soo Saaray

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Puntland Dr Faarax Jaamac Xasan oo kamid ah guddiga ka hortaga COVID-19 ayaa ku dhawaaqay go’aano lagu qafiifinayo bandowgii saarnaa Magaalooyinka Puntland iyo jaadkii la joojiyey.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay isku furan yihiin isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo markii hore la joojiyey sidoo kale la fasaxay keenista deegannada Puntland jaadkii la keeni jiray.

Go’aamadaan ayuu sheegay Wasiirka in looga gol leeyahay maadaama ay soo dhawdahay maalmaha farxadeed ee Ciida Bulshada Puntland la doonayo inay si wanaagsan u Ciidaan,sidaasina lagu qafiifiyay Go’aamadii la soo rogay.

Soomaaliland ayaa maalin ka hor shaacisay in la fasaxay jaadkii (Qaadkii) la keeni jiray deegaanadeeda,waxaana xusid mudan in dowladda Federaalka iyo Maamul gobleedyada intaba lacag farabadan oo Canshuur ah uu jaadka kasoo galo.