Shirkii ugu horeeyay ee Gollaha Wasiirada Galmudug oo uu Shir-Gudoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor, oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xegeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa Maanta ka qabsoomey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb.
Ajandaha Shirka Gollaha Wasiirada maanta ayaa waxaa uu ku saabsanaa:
1- Isbarasho Guud iyo xil la wareegidda wasaaradaha.
2-Xogta wasaaradaha iyo qorsha howleedka 100-maalmood ee soo socda.
3-Warbixinta xaaladda Amniga ee hadda taagan.
4-Dib u habeynta Guddiga Covid-19.
5-Qabanqaabada maalinta Ciidda.
Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa xilligaan horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo adag maadaama Galmudug ay soo martay in ka badan laba sano oo khilaaf ah.